DEG DEG: FIFA oo ganaaxday Messi iyo laacibka oo ka maqnaan doona kulanka caawa ee Bolivia

(Buenos Aires) 28 Maarso 2017 Xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa ganaaxay kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi kaas oo aflagaadeeyay mid kamid ah calanwadayaasha kulankii Chile.

Inkasta oo go’aanka FIFA uusan soo bixin wali hadana waxaa la xaqiijiyay inuusan ciyaari doonin kulanka caawa Argentina ay la ciyaari doonto xulka Bolivia isreeb reebka koobka aduunka.

Sida muuqata laacibka ayaa lagu ganaaxay inuu aflagaadeeyay calanwade kulankii Argentina ay 1-0 uga adkaatay Chile, waxaana la ganaaxay hal kulan.

FIFA ayaa si toos ah ula hadashay xiriirka kubadda cagta Argentina, kuwaas oo goor dhaw shaaciyay in laacibku uu si rasmi ah u seegi doono kulanka caawa ee Bolivia.

Lionel Messi could face a suspension for allegedly swearing at referees

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close