Dab ka kacay Hongkou Stadium…(Ma cid wax ku noqataa jirta?)….+SAWIRRO

(Chine) 28 Mar 2017. Saakay aroortii ayaa dab xoogan ka kacay garoonka Hongkou Stadium oo ay ku ciyaarto kooxda Shanghai Shenhua ee horyaalka Shiinaha.

Lama garanayo waxa dabka sababay laakiin weli waa la baarayaa, laakiin dowladda magaalada Shanghai ayaa xaqiijisay inaysan cidna wax ku noqon dabkii saakay kacay.

Sawirro la helay ayaa muujinay garoonka oo kor ka holcaya laakiin fadhiga garoonka ayaa la sheegay inaysan wax gaarin.

“Waxaa jira qeybo ka mid ah saqafka sare oo gubtay laakiin inta aan ka garanayo garoonka oo sanado sacday uma muuqdo mid aan la hagaajin Karin,” khabiir kubbada cagta dalka Shiinaha ayaa sidaa ku waramay.

SAWIRRO:

dab

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close