Seydou Keita oo ka dalbaday ciyaartoyda Barcelona ku guulaysiga 3-koob xiliciyaareed kan

(Barcelona) 27 Maarso 2017 Laacibkii hore ee kooxda Barcelona Seydou Keita ayaa ka dalbaday ciyaartoyda kooxdiisa inay 3-koob ku guulaystaan xiliciyaareed kan.

Keita ayaa ku dhiirogaliyay ciyaartoyda Barcelona inay u han qal taagaan 3-koob kadib soo laabashadii ay ka gaareen kooxda PSG.

Barcelona ayaa haatan ku jirta booska 2-aad ee horyaalka, waxayna taagantahay sideed dhamaadka Champions League, waxaana xusid mudan in kooxdu ay xili hore iska xaadirisay Final-ka koobka boqorka Spain.

Image result for seydou keita Barcelona

“Kadib guushii Barcelona ay ka gaartay PSG, ma ahan kaliya inay ku fikiraan Champions League, balse waa inay ku fikiraan ku guulaysiga 3-koob” ayuu u sheegay shabakada RAC1.

“Barca waa koox haysata ciyaartoy u suurogalinaya inay ku guulaystaan wax walba sida Iniesta, Messi, Neymar iyo Suarez, laakiin ku guulaysiga 3-koob marwalba waa mid adag” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close