Kullamo ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo galabta la ciyaari doono

IMG_6186

(Muqdisho) 25 Mar 2017.Kullan aad u xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Soomaaliya ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa waxaa is arki doono kooxaha Horseed iyo Bariga Dhexe oo ka mid ah naadiyada kubaddooda sida weyn loogu riyaaqay.

Kullankaan ayaa ka dhici doono garoonka Koonis  waxaana koox kaste ay dooneysaa in ay guul gaarto xilli uu soconayo wajiga labaad ee horyaalka.

Horseed ayaa ciyaartii ugu dambeysay waxa ay bar baro lasoo gashay Waxool, halka Bariga Dhexe ay guuldarro kala kullantay naadiga Dekedda.

Horseed ayaa haddii ay badiso waxa ay tagi doontaa 19 dhibcood, iyadoo ku laaban doonta booska saddex oo imnka ay ku jiro Jeenyo.

Cawo iyo Maalin ayaa ciyaareysa kullankeedii 11’aad wareega labaad ee horyaalka Soomaaliya , iyadoo raadineysa guusheedii shanaad.

Kullankii hore ay wada ciyaareen labadaan kooxood ayaa ku soo dhamaaday 1-1, xilli goolka bar baraha uu iska dhaliyay daafaca Horseed ee Maxamed Cabdi Soomaane (Qaxoow).

Kooxda ka dhisan Shabeelaha Hoose ayaa guul ay gaarto waxaa u dambeysay ciyartii Heegan ee dhacday 02/03/2017 waxa ayna galabta dooneysaa in afar kullan kaddib ay guul gaarto.

Dhanka kale garoonka Jaamacadaha waxaa ku wada ciyaari doono kooxaha Waxool iyo Muqdisho United oo ah labada naadi ee ugu hooseya horyaalka Soomaaliya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close