KOOXDA RIYADA: Ka bogo kooxda riyada laacibka ay kooxda Chelsea heshiiska la gaartay ee Tiemoue Bakayoko… + SAWIRRO

bakayoko-dream-xi-unknown_14f19jxg3hc1p1diea2z0j3x45

(Monaco) 27 Maarso 2017 – Xiddiga kooxda Monaco iyo xulka qaranka France ee Tiemoue Bakayoko ayaa soo bandhigay xulkiisa riyada oo ay ku jiraan xiddigo hadda iyo horraanba ciyaari jirey.

Tiemoue Bakayoko ayaa noqon doona xiddig ka tirsan Chelsea xagaaga soo aaddan kaddib markii labada kooxood ee Blues iyo Monaco ay ku heshiiyeen iibka xiddigan sida ay sheegayaan warar laga helayo Talyaaniga.

Tuttomercatoweb ayaa shaaciyay in heshiiska intiisa badan la dhameytiray, isla markaana uu laacibkan adduun dhan 35 Milyan oo pound ku imaan doono garoonka Stamford Bridge, sidoo kalena Bakayoko ayaa diyaar u ah inuu qalinka ku duugo heshiis shan sanadood ah.

Bakayoko ayaa kooxaha kale ee xiisaynayey waxaa ka mid ah Manchester United iyo Arsenal, laakiin hadda waxa ay u egtahay inuu caga dhigan doono garoonka Stamford Bridge.

Haddaba shabakadda ciyaaraha goal.com ayaa shaacisay kooxda riyada ee Tiemoue Bakayoko ama 11-ka laacib ee uu ka helo kubadda cagta.

Labo xiddig oo ka tirsan Premier League ayaa ka mid ah kooxda riyada ee Bakayoko waana labada ciyaaryahan ee ka wada tirsan kooxda Manchester United ee Pogba iyo Ibrahimovic.

SAWIRRO:

Bakayoko dream XI unknown

MANUEL NEUER | BAYERN MUNICH

Bakayoko dream XI unknown

STEVEN MOREIRA | LORIENT

Bakayoko dream XI unknown

RAPHAEL VARANE | REAL MADRID

Bakayoko dream XI unknown

PAOLO MALDINI | MILAN

Bakayoko dream XI unknown

ROBERTO CARLOS | REAL MADRID

Bakayoko dream XI unknown

TIEMOUE BAKAYOKO | MONACO

Bakayoko dream XI unknown

MARCO VERRATTI | PARIS SAINT-GERMAIN

Bakayoko dream XI unknown

GEOFFREY KONDOGBIA | INTER

Bakayoko dream XI unknown

PAUL POGBA | MANCHESTER UNITED

Bakayoko dream XI unknown

ZLATAN IBRAHIMOVIC | MANCHESTER UNITED

Bakayoko dream XI unknown

MARIO BALOTELLI | NICE

HALKAAN HOOSE KA EEG SHAXDA:-

bakayoko-dream-xi_1hmga8rj0but21iwtd747jgpi0

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close