Kooxda Arsenal oo bedelka Mesut Ozil ka dhex aragta horyaalka Premier League

Dusan Tadic

(London) 27 Maarso 2017 – Laacibka khadka dhexe ee kooxda Southampton Dusan Tadic ayaa la soo warinayaa inuu noqday bartilmaameedka ugu macquulsan Arsenal xagaaga.

Tadic oo garoonka St Mary ku sugnaa tan iyo sanadkii 2014-kii ayaa dhaliyey 16 gool 111 kulan oo uu ciyaaray tartammada oo dhan, laakiin waxa uu ku dhibtoonayaa inuu boos joogto ah ka helo safka kooxda koowaad, waxaana uu dhowaan qiray inuu ka careysan yahay inuu ku guuldarreysto in uu si joogto ah u ciyaaro 90-ka daqiiqo.

Wali ma cadda in tababare Claude Puel uu xiddigan xulka qaranka Serbia ku darsaday qorshihiisa mudada dheer, laakiin sida uu warinayo warsidaha Tuttomercatoweb laacibkan ayaa lagu heli karaa adduun dhan £13m dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Waxaa la soo sheegayaa in kooxda Arsenal ay indhaha ku hayso saxiixa 28-sano jirkaan kaasoo loo arko inuu yahay bedelka Mesut Ozil oo waliba qiime jaban lagu helay.

Mesut Ozil ayaa la hadal hayaa inuu xagaaga isaga tagi karo garoonka ay Gunners ku dheesho ee  Emirates Stadium.

Kooxda Talyaaniga ee Juventus iyo Napoli ayaa sidoo kale la sheegay in ay xiiso u hayaan saxiixa Tadic, ragga ciyaartoyda indho-indheeya ayaana garoonka joogay markii xiddigan xulkiisa Serbia uu la ciyaarayey Georgia Jimcihii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close