Bayern Munich oo ka nixisay Barcelona iyo kooxda reer Spain oo isaga hartay doonistii Thiago Alcantara

(Munich) 27 Maarso 2017 Kooxda Bayern Munich ayaa ka nixisay dhigeeda Barcelona kadib markii ay kala hadashay saxiixa Thiago Alcantara.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in Barcelona ay xiriir la soo samaysay kooxda Bayern Munich si ay uga wada hadlaan iibka laacibka reer Spain ee Thiago Alcantara.

Barcelona ayaana dalbatay in loo sheego qiimaha kama danbaysta ah ee lagu iibsan karo Alcantara, balse Bayern Munich ayaa u sheegtay in laacibka reer Spain lagu iibsan karo 90 milyan oo euro.

alcantara

Barcelona ayaa la sheegay in durbadiiba ay isaga baxday doonistii saxiixa Thiago Alcantara iyaga oo joojiyay wadahadaladii, hadalka Bayern Munich ayaana u dhigmay in laacibku uusan iib ahayn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in maamulka kooxda Bayern Munich ay ku dadaalayaan sidii ay heshiis cusub uga saxiixi lahaayeen Thiago Alcantara.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close