“Waxaa horumarkeyga dhaawacay in la ila bar-bardhigay Lionel Messi.”. Deulofeu

mesi

(Europe) 26 Mar 2017. Gerard Deulofeu ee ka soo baxay akaadamiyada kooxda Barcelona ayaa sabab yaab leh ku sheegay waxa dhaawacay horumarkiisa dhanka kubbada cagta.

Laacibka reer Spain ee iminka u safta kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in isla bar-bardhiga lala meel dhigay laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Lionel Messi ay dhaawacday horumarkiisa.

“Isla bar-bardhiga Lionel Messi ayaa dhaawacay horumarkeyga,” Deulofeu ayaa sidaa yiri.

“Waxay midaa kicisay in taageerayaasha Barcelona ay aniga wax badan iga fishaan.

“Kaliya hal Messi ayaa jira.”.

Deulofeu oo hadalkiisa sii wata misane sheegay qofka uu jeclaa inuu kaga dayado kubbada cagta ayaa yiri.

“Ronaldinho ayaa had iyo jeer ahaa geesigeyga, Wuxuu ahaa midka aan ka helo markii aan joogay Barcelona.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close