Ribery oo doonaya inuu tababare u noqdo da’yarta Bayern Munich marka uu fariisto

(Munich) 26 Maarso 2017 Laacibka reer France ee Franck Ribery ayaa sheegay inuu rajaynayo in mustaqbalka uu tababare u noqdo da’yarta Bayern Munich.

Franck Ribery ayaa sanadkii hore heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa Bayern Munich kaas oo uu ku sii joogayo kooxda ilaa xaggaaga 2018.

Laakiin wuxuu aminsanyahay inuu ciyaari karo 3-sano oo kale hadii uu ka badbaado dhaawac ka soo gaara anqawga ama jilibka.

Ribery

“Xiriirka igala dhexeeya kooxda waa mid wanaagsan, lagayaabee inaan tababare u noqdo da’yarta kooxda marka aan fariisto” ayuu u sheegay wargayska Kicker.

“Waan sii ciyaari doonaa ilaa anqawga, jilibka ama dhabarkeygu ay joojinayaan shaqada, lagayaabee inaan ku ciyaaro qaab ciyaareed heer sare ah laba ama seddex sano hadii aanan dhaawacmin”.

“Marwalba waxaan iraahdaa Bayern Munich waa kooxdii iigu danbaysay ee aan u ciyaaro oo ka dhisan yurub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close