Napoli oo war wanaagsan helaysa ka hor kulanka Juventus

(Napoli) 26 Maarso 2017 Kooxda Napoli ayaa war wanaagsan helaysa ka hor kulanka axada ay marti qaadi doonto kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Juventus.

Dhaqtarka kooxda Napoli ayaa niyada u qaboojiyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu sheegay in Pepe Reina uu ciyaari doono kulanka Juventus.

Pepe Reina ayaa isaga tagay xerada tababarka ee xulka Spain kadib dhaawac soo gaaray, taas oo walwal ku abuurtay taageerayaasha kooxda Napoli.

Image result for pepe reina injury

Laakiin dhaqtarka kooxda oo la hadlay Corriere dello Sport ayaa yiri:

“Pepe Reina ayaa noqon doona goolhayaha kooxda ee kulanka soo socda ee Juventus, mana ka hadlayo wax intaas kabadan oo ku aadan xaaladiisa caafimaad iyo tiisa jir ahaaneyd”.

“Reina wuxuu ka soo laabtay Spain si uu halkaan ugu qaatay daawooyinka uu u baahanyahay ee ma ahan in xaalkiisu uu liito”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close