“Maxaa diidaya inaan u dhaqaaqo horyaalka France” – Diego Costa

(London) 26 Maarso 2017 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa ayaa soo dhaweeyay in maalin uun uu u dhaqaaqo horyaalka dalka Faransiiska.

Laacibka reer Spain ayaa amaanay kooxaha faransiiska sida PSG, Monaco iyo Marseille, wuxuuna sheegay inay suurogal tahay inuu ku biiro koox faransiis ah marka uu katago kooxdiisa Chelsea.

Diego Costa ayaa lala xiriiriyay u dhaqaaqida horyaalka shiinaha suuqii janaayo balse laacibka ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa.

diego-costa_14opzbs8dcjvr1ffivk90zspl2

“Dabcan, Marseille waxay leedahay mashruuc maalgalineed oo aad u fiican, PSG waxay kamid tahay kooxaha ugu wayn yurub, sidoo kale Monaco waa koox haysata ciyaartoy fiican” ayuu u sheegay Telefoot.

“Horyaalka faransiisku hormar badan ayuu sameeyay, laakiin anigu waxaan ku faraxsanahay kooxdeyda Chelsea balse wax walba waa suurogal”.

“Haddii aan go’aansado ka tagista Chelsea, waa suurogal inaan u dhaqaaqo horyaalka France, maxaa diidaya?” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close