Kostas Manolas oo ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Roma

(Roma) 26 Maarso 2017 Daafaca adag ee kooxda Roma Kostas Manolas ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa xili lala xiriiriyay kooxaha ugu wayn yurub.

Kostas Manolas ayaa sheegay in mustaqbalkiisu uu yahay mid ku jira gacanta maamulka kooxda Roma iyaguna ay go’aan ka gaari doonaan inuu sii joogayo iyo inuu baxayo.

25 jirkaan ayaa intaa ku daray in kooxdiisu aysan u diyaarsanayn ku guulaysiga horyaalka talyaaniga maadama Juventus ay inbadan ka awood badantahay Roma.

Kostas Manolas

“Mustaqbalkeygu wuxuu ku jiraa gacanta maamulka Roma, hadii ay doonayaan inaan sii joogo way garanayaa waxa laga doonayo inay sameeyaan” ayuu u sheegay Football Italia.

“Haddii ay doonayaan inay i iibiyaana ma jirto wax aan samayn karo, way adagtahay inaan dhahno waxaan doonaynaa inaan ku guulaysano horyaalka waayo Juventus aad ayeey u xoogantahay, sidaan arkeynana ma ahan koox luminaysa wax dhibco ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close