Hatem Ben Arfa oo furka ku tuurtay tababare Unai Emery kadib keydkii uu galiyay

(Paris) 26 Maarso 2017 Kubadd sameeyaha reer France ee kooxda PSG Hatem Ben Arfa ayaa furka ku tuurtay tababare Unai Emery oo keydka ku hilmaamay.

Xiddigaan ayaa sheegay in xaalada haatan uu ku suganyahay ay tahay mid aan la aqbali karin maadama uusan garanayn sababta uu tababaruhu keydka ugu haayo.

Hatem Ben Arfa ayaa ka cabanaya inuusan garanayn ilaa haatan sababta uu tababaruhu u siin la’yahay fursadii uu u qalmay, wuxuuna yiri:

Image result for Ben Arfa and Unai Emery

“Waan niyad jabsanahay raalina kama ihi xaalkeyga haatan ee PSG, marnaba ma aqbalayo xaalkaan, waxaan noqonayaa qof guul daraystay hadii aan aqbalo sidaan”.

“Hadii fursad la isiiyo aniguna aan liito waan aqbali lahaa go’aanka tababaraha, laakiin dhibaatada ayaa ah in ilaa haatan aanan helin fursad dhamaystiran”.

“Hadii tababaruhu uu igu dhihi lahaa keydkaagu waa mid xadidan ama waqtiyeeysan waan garan lahaa, laakiin ilaa haatan waxba la iima cadayn, ma dareemayo inaan muhiim ahay, sidaas darteed waan niyad jabsanahay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close