Diego Costa oo amaanay da’yarka Monaco ee Kylian Mbappe

(Monaco) 26 Maarso 2017 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa ayaa amaanay da’yarka kooxda Monaco ee Kylian Mbappe kaas oo wacdaro dhigaya.

Diego Costa oo waraysi gaar ah siiyay Telefoot ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu yahay gool dhaliye heer sare ah isla markaana leh xirfad badan.

Wuxuuna rajeeyay in Kylian Mbappe uu sii wado qaab ciyaareedka wanaagsan ee uu haatan ku jiro, waxaana xusid mudan in laacib kaan lala xiriiriyay kooxda Chelsea.

Image result for Kylian Mbappe and Costa

Costa ayaa wax laga waydiiyay qaab ciyaareedka wacan ee Kylian Mbappe, wuxuuna ku jawaabay:

“Haddii uu sidaan ku sii wado shaqada wuxuu noqonayaa gool dhaliye caalami ah, waa gooldhaliye dilaa ah wuxuuna awoodaa inuu gooyo, waxaan rajaynayaa inuu ku sii socdo sidaan”.

Image result for Kylian Mbappe and Costa

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close