Cristiano Ronaldo oo gaaray goolashiisii 600-aad

 C7zOJF9XUAEN1y7

(Lisbon) 26 Maarso 2017 – Weeraryahanka xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa gaaray goolkiisii 600-aad ee xirfaddiisa ciyaareed.

Ronaldo ayaa labo gool u dhaliyey xulkiisa Portugal kulankii ay xalay 3-0 uga adkaadeen dhiggooda Hungary ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2018.

Goolashaas ayaa ka dhignaa in Ronaldo uu xalay xulkiisa Portugal u dhaliyey goolkiisii 69-aad iyo 70-aad, kaddib 137 kulan oo uu u ciyaaray.

Sidoo kale goolashaas waxa uu ku gaaray goolashiisii 600-aad ee uu Ronado dhaliyo xirfaddiisa ciyaareed marka la isku daro xul iyo kooxba.

C7y_5-_WkAAHOsf

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close