Arsenal oo qiimo qaali ah ku doonaysa Andrea Belotti

(London) 26 Maarso 2017 Weerar yahanka kooxda Torino ee Andrea Belotti ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub xiliciyaareed kan.

Shabakada Tuttomercato ayaa daaha ka qaaday in Arsenal ay diyaar latahay aduun dhan 50 milyan oo euro si ay u hesho da’yarkaan 23 jirka ah.

Tababare Arsene Wenger ayaa aad ula dhacsan qaab ciyaareedka Andrea Belotti, Gunners ayaana ku qasban inay u soo baxdo Champions League si ay Napoli uga dul qaado saxiixa laacib kaan.

Qandaraaska Andrea Belotti ee Torino ayaa lagu burburin karaa aduun dhan 100 milyan oo euro, wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay 24 gool 29 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close