“Wuxuu ahaa habeenkii iigu xumaa nolosheyda” – Marco Verratti oo dib u xusuustay guul daradii Barcelona

(Paris) 25 Maarso 2017 Laacibka kooxda PSG ee Marco Verratti ayaa dib u xusuustay guul daradii naxdinta lahayd ee ka soo gaartay kooxda Barcelona.

Marco Verratti ayaa sheegay in habeenkaas uu yahay kii ugu xumaa ee soo mara noloshiisa maadama si xun kooxda loogu bahdilay koobka horyaalada yurub.

PSG ayaa 4-0 uga soo adkaatay Barcelona kulankii lugta hore, balse kooxda reer Spain ayaa 6-1 ugu badashay kulankii lugta labaad.

Image result for Verratti vs Barcelona

“Guul darooyinka wax badan ayaad ka baranee, ani ahaan kulankii Barcelona wuxuu ii ahaa mid niyad jab wayn leh” ayuu u sheegay Rai.

“Wuxuu ahaa mid kamid ah habeenadii iigu xumaa ee i soo mara nolosheyda, waxaanan ogaaday in marwalba ay tahay inaad soo bandhigto wax walba oo karaankaaga ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close