WAR CUSUB: LL.PP. Jeenyo oo ku dhawaaqday inay isaga baxday Horyaalka Soomaaliya….(Ogoow sababta)

IMG_9427

(Muqdisho) 25 Mar 2017. Maamulka kooxda Jeenyo ayaa ka dhawaajiyay maanta inay gabi ahaan isaga bexeen inta ka harsan horyaalka Soomaaliya kal ciyaareedkan.

Maamulka ayaa sababta ku sheegay caddaalad darro baahsan oo si gaar ah lala beegsado kooxda tan iyo 2012 kolkaa oo kooxda faca wayn dib loo soo aas aasay.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka xiriirka kubbada cagta Soomaaliya oo ku aadan gadoodka ay sameysay kooxdan taageeraha badan ku leh Soomaaliya.

kk

Jeenyo ayaa iminka kaalinta afaraad kaga jirtay kala sarreynta horyaalka Soomaaliya ee xilli ciyaareedkan waloow ay iminka sheegtay inay joojisay ka ciyaarista Horyaalka Soomaaliya inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Kulankoodii ugu dambeeyay waxay guul darro 4-3 kala kulmeen kooxda Heegan waxayna kulanka soo socda la yeelan lahaayeen kooxda Dekadda.

Gool FM ayaa idin la soo socod siin doonta halka ay ku dambeyso sheekada Jeenyo iyo wixii warar cusub oo ka soo baxa.

IMG_9366

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close