Real Madrid oo heshiis cusub u soo bandhigtay Isco

(Madrid) 25 Maarso 2017 Real Madrid ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay laacibkeeda Isco kaas oo doonaya inuu katago kooxda dhamaadka xiliciyaareed kan.

Marca ayaa baahisay in Real Madrid ay u soo bandhigtay Isco heshiis 6 sano ah oo sanadkii uu ku qaadan doono 6 milyan oo euro oo canshuur la’aan ah, waana seddex u jibaar mushaarkiisa haatan.

Real Madrid ayaa dhawr isbuuc ka hor soo hor dhigtay Isco heshiiskaan, laacibka ayaana iska leh hadalka kama danbaysta ah, waxaana aad loola xiriiriyay kooxda Barcelona.

Isco

Kubadd sameeyahaan ayaa ka cabanaya boos la’aan ku haysata kooxda boqortooyada Spain tan iyo markii uu ku biiray, wuxuuna dalabyo ka helayaa kooxaha ingiriiska iyo waliba Barcelona.

Real ayaa doonaysa in Isco ay ka saxiixdo heshiis ku eg ilaa 2024 si ay uga hor istaagto dhigeeda Barcelona, laakiin laacibka ayaa dalbanaya boos joogto ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close