Real Madrid oo dib u heshay laacib muhiim ah ka hor kulanka Alaves

(Madrid) 25 Maarso 2017 Tababare Zidane ayaa ka faa’idaystay isbuuca fasaxa FIFA, wuxuuna dib u helay daafaca reer France ee Raphael Varane.

Laacib kaan ayuu soo gaaray dhaawac 22-February, wuxuuna ku qasbanaaday inuu dhaawac ku seego 6-dii kulan ee u danbeeyay ee ay ciyaartay kooxdiisa.

Raphael Varane ayaa shalay dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa, isaga oo tababar la qaatay ciyaartoyda Real Madrid ee aan looga yeerin xulalkooda sida ay baahisay Marca.

ريال مدريد يستعيد لاعباً مُهماً قبل لقاء ألافيس

Real Madrid ayaa marti qaadi doonta Axada dambe kooxda Alaves, Raphael Varane ayaana la filayaa inuu xoojiyo daafaca kooxdiisa ee kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close