RASMI: Macallin Salaad oo iska casilay xilkii tababaranimo ee kooxda Jeenyo

(Muqdisho) 25 Mar 2017. Tababarihii kooxda Jeenyo macallin Salaad Faraax Xasan ayaa iska casilay xilkii tababaranimo ee kooxda Jeenyo kaddib waqti dheer uu ku sugnaa.
Macallin Salaad oo la soo xirriiray Gool FM ayaa waxa uu sheegay in caawa wixii ka billaawdo uu ka tagay kooxda Jeenyo, sidaa darted uu u rajeenayo waqti wacan.
“Sababta aan Gool FM ugu la soo xiriiray ayaa ah in aan idiin xaqiijiyo ka tagitaanka kooxda Jeenyo, ayuu hadalkiisa kusoo koobay macalin Salaad.
Salaad oo la weydiiyay sababta uu ugu tagayo Jeenyo in ay quseyso go’aankii maamulka kooxda ay maanta ku dhawaaqeen ayuu ku jawaabay.
“Maya ma ahan mid quseeya go’aankaas balse sababta aan kooxda ugu tagay ayaa ah mid ii gooni ah ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Sikastaba go’aanka macallin Salaad uu qaatay ayaa imaanaya xilli galenkii dambe ee maanta ay kooxda Jeenyo Gool FM soo gaarsiisay warqad ay ku shegeyso in ay joojisay ka qeyb qaadashadahoryaalka Soomaaliya inta ka harsan xilli ciyaareedkaan.
Gool FM