Morata oo doonaya Chelsea iyo Conte oo caqabad ku ah

SSC Napoli v Real Madrid CF - UEFA Champions League Round of 16: Second Leg

(London) 25 Marso 2017. Weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata waxaa la soo warinayaa in uu doonayo xagaagan u dhaqaaqida Chelsea, balse waxaa cakirinaya himiladiisa Antonio Conte.

Tababbaraha reer Italy wadahadal lama gali doono Real Madrid waa hadsii ay dooneyso in ay wadaxaajoodka qeyb uga dhigaan Thibaut Courtois.

Goolwalaha muddo dheer ayaa lala xiriirinayey Real Madrid.

Chelsea waxa ay isku dayday in ay Morata xagaagii tagay hesho, yeelkeede, isagaa ka doorbiday Los Blancos, badalkiisa waxa ay ceshadeen Diego Costa.

Xaalada Costa ee Stamford Bridge ayaa la sheegay in aysan daganeyn taas oo xulasho ka dhigeysa weeraryahanka reer Spain.

Sida laga soo xiganayo Daily Telegraph, Morata qudhiisa ayaa diyaar u ah in uu cad cadka ku bedesho buluuga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close