Lionel Messi oo ganaax wajahaya

lio

(Argentina) 25 Mar 2017. Kabtanka xulka Argentina ayaa ganaax wajihi karaya kaddib markii uu aflagaadeeyay caawiyayaasha garsooraha intii lagu guda jiray kulankii ay dirqiga uga adkaadeen xulka Chile isreeb reebka koobka adduunka.

Argentina ayaa dib u soo nooleysay rajadeeda inay u soo bixi karto koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka kaddib markii ay gool rigoore ah uu u dhaliyay Messi kaga adkaadeen Chile.

Lionel Messi was clearly not happy about something during the Argentina vs Chile game, and remonstrated with the match officials

Laakiin intii lagu guda jiray ciyaarta, Kaamirooyinka ayaa soo qabtay xiddiga Barcelona oo aflagaadeenaya Marcelo Vangasse iyo Dewson Silva oo ahaa caawiyayaashii garsooraha kulanka.

Radio La Red ee dalka Argentina ayaa sheegay in dhacdada lagu sheegay warbixinta garsooraha uu kulanka ka soo gudbiyay, haddii uu arrinku saas yahayna Messi ayaa ganaax kala kulmi kara FIFA.

Laacibka reer Argentina ayaa la warinayaa inuu la mur-murmayay saraakiisha kulanka xitaa markii uu kulanku dhammaaday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close