Jose Mourinho oo sheegay sababtii uu ugu safray dalka Croatia

jooose

(Euroep) 25 Mar 2017. Jose Mourinho ayaa u safray dalka Croatia isagoo daawaday kulankii ay la yeesheen xulka Ukraine taa oo dhalisay qiyaas fikradeed ah inuu halkaa u aaday si u soo indho indheeyo xiddigo uu doonayo inuu la soo wareego.

Laakiin Jose ayaa sheegay inaysan jirin wax sababo ah oo ku hoos duugan booqashadiisa Croatia isla markaana uu halkaa u aaday inuu ku soo dalxiiso.

Ivan Rakitic iyo Ivan Perisic ayaa lala xiriirinayay inay u soo dhaqaaqaan Old Trafford iyadoo ay goal warisay jimcihii in xiddiga Inter Milan uu ku kacayo 40-milyan oo bound.

“Ma jiro sababo aan qiranayo, waxaan halkan u imid uun inaan ku raaxeysto maalmaheyga fasaxa aana booqdo saaxiibo sida Predrag Mijatovic iyo Davor Sukerm,” Jose ayaa sidaa u sheegay HNTV.

Man Utd boss Mourinho explains Croatia trip amid Perisic links

“Waan ogahay inuu qofkasta aaminsan yahay inaan halkan u imid inaan ciyaartooy daawado, laakiin kubbada cagta maanta uma baahnid inaad safarto si aad u soo aragto ciyaartooy, si fiican ayaan u garanayaa dhammaan.”

Jose ayaa intaa hadalkiisa ku sii daray:

“Sida shaqsi ahaan ayaan u imid kaa oo doonaya inuu ku nasto kuna raaxeysto jawiga fiican,”.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa dib shaqada ugu soo laaban doona 1-da bisha Abriil markaa ay kooxdiisa Man United oo ku jirta kaalinta 5-aad ay wajaheyso kooxda West Brom.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close