Gabdhaha Heegan iyo Gaadiidka oo galabta ku ballansan garoonka Wiish

WIISH

(Muqdisho) 25 Mar 2017. Kullan lagu xusayo maalinta qaaxadda adduunka ayaa galabta lagu ciyaari doono garoonka Wiish degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Maalinta Qaaxada Adduunka ayaa ku beegneed shalay oo ay taariikhdu aheyd  24-ka  Maarso, balse galabta ayee dhici doontaa ciyaar  lagu maamuusayo.

Kullankaan ayaa waxaa wada ciyaari doono labada kooxood ee sida u xifaaltama ee Heegan iyo Gaadiidka, sida uu Gool FM u xaqiijiyay Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya.

24-ka Maarso oo ah maalinta Tb-da adduunka ayaa si weyn loogu xusaa Soomaaliya, waxaana inta badan koobab la dhex dhigaa kooxaha u diiwaan gashan xiriirada Soomaaliya ka dhisan.

Munaasabada xuska Maalinta ka hortaga iyo dabar gooynta cudurka qaaxada adduunka waxaa soo qaban qaabisay wasaarada caafimaadka ee dooladda sida uu inoo xaqiijiyay Eenoow.

Xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya ayaa sanad walba qabta koob la dhex dhigayo laba kooxood kaasoo lagu xusayo maalinta TB-da adduunka

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close