“Waa in Neymar ku guuleystaa Ballon d’Or-ka”.

neymar-cropped_cx9rved39okn12grltym3dw0o

(Rio) 24 Mar 2017. Neymar waxa uu hayaa dhabihii uu heli lahaa Ballon d’Or-ka, sidaas waxaa qaba Miranda oo ay dal wadaag yihiin.

Neymar waxa uu gaarsiiyey goolasha xulka 51 isaga oo saftay 76 kulan kaddib markii uu mid cajiib ah ka dhaliyey dheeshii ay 4-1 uga badiyeen xalay Uruguay.

Waxa uu si qurux badan uga dhaliyey goolhaye Martin Silva kubadd oo soo celiyey Miranda.

Xilli uu xalay mudnaanta lahaa Paulinho oo saddexley dhaliyey, hadana Miranda waxa uu amaan ugu qubeeyey Neymar.

“Maalmahan, Neymar waa ciyaaryahanka marxaladda ugu wacan ku jira,” ayuu yiri daafaca Inter.

“Ballon d’Orka soo socda isaga ayaa loo sawiray.

2015 kaalinta saddexaad ayuu Neymar ka soo galay Ballon d’Orka laakiin 9kii sano ee ugu dambeeyey waxaa qeybsaday Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close