SAWIRRO: Tartanka kubadda gacanta degmooyinka gobolka Banaadir oo shalay Furmay

IMG_0391

(Muqdisho) 24 Mar 2017. Garoonka Wiish degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir waxaa shalay ka furmay tartanka  degmooyinka kubadda gacanta oo ay ka qeyb qaadanayaan 12 degmo.

Furitaanka tartanka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda maamulka gobolka Banaadiroo uu hoggaaminayay  duqa magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale,guddoomiyaasha xiriirada iyo masuuliyiin ka socotay GOS .

Xasan Wiish oo ah guddoomiyaha Isboortiga  gobolka oo hadalka billaaway ayaa sheegay in ay farxad u tahay gobolka  in uu qabto tartan qaba shadiisa ay u dambeysay  30 sanno ka hor.

Dhanka kale Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya, ayaa isna sheegay in  gobolka iyo xiriirkiisa ay u taagan yihiin ka shaqeynta hor marinta kubadda gacanta isagoo u mahad celiyay degmooyinka tartankani ka qeyb qaadanaya.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xusay in furitaanka tartankani uu yahay mid taariikhda galay mahadaama ciyaartooyda dheeleysa qaarkood iyagoo 5 sanno jiray ugu dambeysay in la qabto.

Waxaa billaabatay ciyaartii u dhaxeysay Shangaani iyo Hoowl Wadaag iyagoo labada degmo ay soo bandhigeen ciyaar aad loogu riyaaqo.

Kullanka ayaa waqtigii loogu tala galay uu kusoo dhammaaday 9-7 oo ay ku badisay degmada Shangaani oo uu tababare u ahaa macallin Abaareey.

IMG_0377 IMG_0379 IMG_0381 IMG_0389 IMG_0391 IMG_0399 IMG_0404 IMG_0405 IMG_0408 IMG_0410 IMG_0412 IMG_0419 IMG_0427 IMG_0430 IMG_0432 IMG_0434 IMG_0436 IMG_0446 IMG_0452 IMG_0455 IMG_0463 IMG_0466 IMG_0470 IMG_0479 IMG_0489 IMG_0492 IMG_0497 IMG_0498 IMG_0501 IMG_0506 IMG_0510 IMG_0513 IMG_0519

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close