Kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo iskula dheggan Claudio Marchisio

(London) 24 Maarso 2017 – Labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester United ayaa la sheegayaa inay wada xiisaynayaan saxiixa laacibka khadka dhexe ee Juventus ee Claudio Marchisio.

Sida ku dhigan Tuttosport, naadiyadan Premier League ayaa isha ku haya qawaarkan 31-jirka ah, iyadoo uu warku intaa ku darayo in macallinka Blues ee Antonio Conte uuba telefoon kula hadlay laacibka.

Laacibkan ayaa waayihiisa kusoo qaatay hal koox oo ah Bianconeri oo uu yimi isagoo 7-jir ah, isagoo isagu maray heer kasta min dhallinyarada ilaa waawaynka, isagoo ilaa markaa u saftay 358 kulan.

Sidaa darteed way ku adag tahay macallinkiisii hore Antonio Conte inuu laacibkan caalamiga ah ee reer Talyaani uu kasoo wado Torino – waloow uu beryahan la legdamayo dhaawacyo – weli waa u laf-dhabar kooxda Massimiliano Allegri.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close