SAWIRRO XUL AH: Dekedda oo ku sii dhawaatay hoggaanka horyaalka iyo Elman  oo ka badisay Banaadir

(Muqdisho) 24 Maarso 2017 –Kooxda Elman ayaa guul ka gaartay naadiga Banaadir kullan ka tirsan horyaalka Soomaaliya oo galabta ka dhacay garoonka Jaamacadaha.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay si dar dar ah, waxaana durba hoggaanka qabatay kooxda Elman waxaana gool lama fillan ah u dhaliyay xiddiga laga yaaban yahay ee Sambabwi.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineyso Elman.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii xigtay ee kullanka  labada kooxood ayaa iska qasaariyay fursado wanaagsan oo goolal loo filan karay.

Maxamed Soomaali oo ahaa garosoorihii kullanka ayaa garoonka ka saaray xiddigaha Maxwell iyo C/qaadir Af dheere oo u kala ciyaara labada kooxood kaddib markii loo taagay kaarka cas.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 waxaana Elman iminka ay leedahay 22 dhibcood iyadoo laga sareeyo kaliya hal dhibic.

Dhanka kale Dekedda ayaa guul ka gaartay Gaadiidka iyadoo ku garaacday 2-1, waxaana goolasha u dhaliyay Catoosh iyo Toowfiiq.

IMG_0591 IMG_0594 IMG_0596 IMG_0599 IMG_0600 IMG_0601 IMG_0605 IMG_0607 IMG_0608 IMG_0615 IMG_0616 IMG_0617 IMG_0624 IMG_0627 IMG_0628 IMG_0631 IMG_0632 IMG_0633 IMG_0634 IMG_0635 IMG_0636 IMG_0637 IMG_0640 IMG_0642 IMG_0645 IMG_0649 IMG_0650 IMG_0651 IMG_0655 IMG_0656 IMG_0657 IMG_0660 IMG_0661 IMG_0662 IMG_0663 IMG_0665 IMG_0667 IMG_0668 IMG_0670 IMG_0672 IMG_0674 IMG_0681 IMG_0682 IMG_0683 IMG_0685 IMG_0687 IMG_0689 IMG_0691 IMG_0693 IMG_0703 IMG_0707 IMG_0709 IMG_0710 IMG_0711 IMG_0716 IMG_0717 IMG_0719 IMG_0721 IMG_0722 IMG_0726 IMG_0729 IMG_0731 IMG_0734 IMG_0739 IMG_0741 IMG_0745 IMG_0746 IMG_0749 IMG_0756 IMG_0764

SAWIR QAADE: Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close