Allegri oo la abaal marin doono hadii uu Champions League ka reebo Barcelona

(Torino) 24 Maarso 2017 Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa helaya balan qaad wanaagsan hadii uu ka saaro koobka horyaalada yurub kooxda Barcelona.

Juventus ayaa lagu beegay kooxda Barcelona wareega sideed dhamaadka koobka horyaalada yurub, xili kooxda reer Spain ay qaab layaab leh uga soo gudubtay kooxda PSG wareegii 16-ka.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in tababare Massimiliano Allegri uu heli doono hadiyad fiican hadii uu Juventus u soo saaro Semi Final-ka Champions League xiliciyaareed kan.

هدية من يوفنتوس لأليجري إذا تغلب على برشلونة

Juventus ayaana heli doonta lacag kor u dhaafaysa 100 milyan oo euro hadii ay u soo gudubto Semi Final-ka koobka horyaalada yurub xiliciyaareed kan.

Maamulka Juventus ayaana ku abaal marin doona tababare Allegri in loo soo iibiyo laacibka PSG ee Angel Di Maria kaas oo haatan u muuqda mid niyad jab ka qaaday guul daradii Barcelona.

Di Maria

Di Maria ayaa lagu heli karaa aduun dhan 50 milyan oo euro, Juventus ayaana diyaar ula ah mushaar dhan 10 milyan oo euro sanadkii.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close