XOG: Monoco oo diiday £96 million oo looga doonayo Kylian Mbappe

kylian-mbappe-monaco-bordeaux-ligue-1-11032017_1uopfw574xpbe1stqmv9fk2ag1

(Monoco) 23 Mar 2017. Monoco waxa ay iska diiday dalab dhan £96 million (€110m)  oo uga yimi kooxaha Premier League, kuwaas oo raba da’yarka cajiib ka ah ee Kylian Mbappe. Sidaas waxaa qortay AS.com

18 jirka sidoo kale waxa uu bartilmaameed u yahay Real Madrid, Kylian Mbappe bandhigyadiisa wanaagsan ee uu Monoco u sameeyey ayaa soo jiitay kooxaha waa weyn ee Europe.

Waxa uu wacdaro ka dhigay Ligue 1ka iyo Champions League-ga.

Sida warar  kale lagu helayo, Arsenal, Manchester City iyo Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa da’yarka reer France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close