Miranda loo doortay in uu noqdo kabtanka Brazil

joao-miranda-ecuador-brazil-2018-world-cup-qualifiers-01092016_1nbqf9zdnny0f1x02yq5ev8zka

(Rio) 23 Mar 2017. Daafaca Inter Milan Miranda ayaa hogaamin doona Brazil kulanka is reeb reebka koobka aduunka ee ay la leeyihiin Uruguay khamiista.

Tababbare Tite waa uu goostay in uusan magacaabin kabtan rasmi ah tan iyo markii Juunyo 2016 la magacaabay, waxa uu doorbiday in uu hogaaminta  ku war wareejiyo xiddiga waa weyn.

Kaddib markii uu iska casilay kabtannimada Neymar tartankii Olombikada ee sanadkii hore, Tite waxa uu ku adkeystay in uu calaamadda koox hogaamiyeyaal ah ku dhex war wareejiyo

Miranka waxa uu ahaa kabtankii ugu horreeyey ee Tite  magacaabo isaga oo loo dhiibay kulankii ay 3-0 uga badiyeen Ecuador bishii September 2016.

Dani Alves laba jeer ayuu noqday [Kulamadii Colombia iyo Argentina], halka Fernandinho iyo Filipe Luis ay kala qaateen Peru iyo Venezuela, Renato Augusto isna waxa uu xirtay kulankiiBolivia.

Robinho iyo Digeo Iyana waxa ay xulka kabtan u noqdeen kulamadii saaxiibtinimo ee Colombia, ciyaar ay dheeleen ciyaaryahanada dal joogta ah qura.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close