Marouane Fellaini oo Timo Jare u badelay mid ka mid ah qolalkiisa Jiifka!!!!

falaani

(Manchester) 23 Mar 2017. Timo waynahay kooxda Manchester United Marouane Fellaini ayaa Timo Jare u badelay mid ka mid ah qolalkiisa jiifka.

29-jirka ayaa guriga uu ku leeyahay magaalada Manchester ka dhex sameystay meel lagu hagaajiyo Tintiisa Afrada ah iyadoo uu Timo Jare u badelay mid ka mid ah todobadiisa qol ee Jiifka ah.

Laakiin xiddiga reer Belgium ayaa suuqa soo dhigay gurigiisa oo iib u doonaya iyadoo uu cirka sii galiyay qiyaas fikradeedka laga qabo inuu isaga tagayo kooxda Man United.

The Manchester United ace has converted one of his bedrooms into a barbershop

Timo Jarayaasha ama kuwa timaha qurxiya ayaa la warinayaa inay Usbuuc kasta soo booqdaan guriga Marouane Fellaini.

Ilow wareedyo la helay ayaa lagu sheegay in Fellaini ay Timaha wayn u yihiin sharaf iyo wax uu ku raaxeysto isla markaana uu juhdi badan ku bixiyo sidii ay markasta ugu jiri lahaayeen qaab fiican, taa oo keentay inuu Timo Jare ka dhigto mid ka mid ah qolalkiisa jiifka.

Marouane Fellaini

Joog dheeraha reer Belgium ayaa 2-milyan oo bound kala baxay gurigan ku yaala Gtr Manchester bishii Feebaraayo ee 2014 markii uu ku soo biiray Red Devils.

Guriga Fellaini ayaa iminka suuqa yaala waxaana lagu doonayaa in lagu iibiyo 2.3-milyan oo bound iyadoo ay jirto xanta inuu mustaqbalkiisa Old Trafford u arko mid aan la hubin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close