Liverpool oo €35m oo euro ku raadinaysa Ivan Perisic

(Liverpool) 22 Maarso 2017 – Wararka ka imanaya woqooyiga Ingiriiska ayaa sheegaya in Liverpool ay €35m ku doonayso laacibka khadka dhexe ee Inter ee Ivan Perisic xagaagan.

Sida ku qoran Fichajes.net, macallinka Reds ee Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu gacanta ku dhigo laacibkan Croatian-ka ah isla xagaagan, iyadoo ay Inter ka baaraan degi karto dalab sidan oo kale ah.

28-jirkan ayaa marar badan horay loola xiriirinayay kooxo ka dhisan Premier League, waloow haatan la sheegayo in dalabka Liverpool uu yahay midka ugu xooggan.

Perisic ayaa Nerazzurri uga soo biiray kooxda Wolfsburg xagaagii 2015 oo ay kasoo siisteen €16m, isagoo la galay qandaraas 5 sanadood ah, wuxuuna iibkani uga dhigan yahay faa’iido dhan €19m naadigan ay leeyihiin Suning Group.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close