”Inaan dib ugu soo laabto xulka Spain waxaa mahaddeeda iska leh AC Milan” – Gerard Deulofeu

(Milano) 22 Maarso 2017 – Gerard Deulofeu ayaa AC Milan uga mahad celiyay inay ka caawiyeen inuu dib ugusoo laabto xulka Spain isagoo leh – ‘haddii aysan iyaga ahaan lahayn halkan maan joogeen’.

Garab-weerarkan ayaa qaab amaah ah ku yimid Rossoneri oo uu Jannaayo uga yimid kooxda Everton, isagoo ilaa mudadaa dhigay 3 kubadood, hal goolna dhaliyay kulamada uu saftay Serie A, taaso gayaysiisey in dib loogu yeero xulka La Roja kaddib 3 sanadood ku dhowaad.

“Haddii aana Milan aqbali lahayn sida cad dib la iiguma yeeri lahayn xulka qaranka. Milan waa naadi wayn, haddana koox kale ka fikiri maayo.” ayuu yiri Deulofeu.

“Aad baan ugu faraxsanahay AC Milan, macallinka [Vincenzo Montella] iyo ragga la shaqeeyana waxay ii muujiyeen kalsooni wayn, waana ku faraxsanahay xiriirka aan la leeyahay saaxiibada aannu isku kooxda nahay.” ayuu raacshey.

“Markii aan maqlay xiisaha Milan xitaa laba jeer kama fikirin. Maanta bandhigga aan samaynayo iyo halkan joogo waxaa mahadeeda iska leh kalsoonida ay ii muujiyeen. Hadda difaac ahaan xitaa waxaan noqday laacib wanaagsan waxaana si isla mid ah u dheelaa 90-ka daqiiqo.” ayuu yiri Gerard Deulofeu.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close