Barcelona oo qorshaynaysa inay si bilaash ah ku hesho laacib ka tirsan Real Madrid

(Barcelona) 22 Maarso 2017 Kooxda Barcelona oo cadaw ku ah dhigeeda Real Madrid ayaa dajisay qorshe ay ku soo xerogalinayso laacibka qadka dhexe ee Isco.

Qandaraaska 24 jirkaan reer Spain ee kooxda Real Madrid ayaa ku eg 2018, waxaana hakad galay wadahadaladii uu kooxda ugu kordhin lahaa heshiiska.

Idaacada Rac1 ayaa baahisay qorshe uu damacsanyahay madaxwaynaha Barcelona oo doonaya inuu si bilaash ah ku soo qaato Isco.

برشلونة يُخطط لخطف نجم الريال بدون مقابل!

Qorshaha ayaa ah in Isco uu diido inuu heshiis cusub u saxiixo Real Madrid, si uu qaab bilaash ah ugu dhaqaaqo Camp Nou dhamaadka xiliciyaareedka dambe.

Xiddigaan ayaana heli doona 20 milyan oo euro oo abaal marin ah oo ay siin doonto Barcelona haddii uu sidaas u fuliyo qorshaha ay doonayso kooxda reer Catalonia.

Isco ayaa ku dhibtooday Real Madrid tan iyo markii uu ka soo tagay Malaga xaggaagii 2013, wuxuuna ku guul daraystay inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close