Angel Di Maria oo ku fikiraya inuu dib ugu laabto Real Madrid

(Madrid) 22 Maarso 2017 Wararka ka imaanaya France ayaa sheegaya in Angel Di Maria uu ku fikirayo inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Shabakada Infobae ayaa baahisay in Angel Di Maria uu dareemayo fashil wayn kadib fadeexadii kooxdiisa ka soo gaartay garoonka Camp Nou kulankii Champions League.

Waxaana la cadeeyay in laacibka reer Argentina uu si dhab ah ugu fikirayo inuu markale dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Real Madrid oo uu la qaaday koobka horyaalada yurub 2014.

Image result for Angel Di Maria vs Barcelona

Dhanka kale shabakada Defense Central ayaa sheegaysa in masuuliyiin aad ugu dhaw madaxwaynaha Real Madrid ay ka codsadeen inuu gacan ka gaysto sidii kooxdu ay dib ugu heli lahayd Di Maria.

Florentino Perez ayaase u arka soo laabashada Angel Di Maria mid aad ugu adag kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close