Allegri oo ku dhaw inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa Juventus

(Torino) 22 Maarso 2017 Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa ku dhaw inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa kooxda reer talyaani.

Massimiliano Allegri ayaa aad loola xiriiriyay kooxaha Barcelona iyo Arsenal kadib markii uu mugdi soo kala dhex galay isaga iyo maamulka Juventus.

Corriere dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Massimiliano Allegri uu ku dhawyahay inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa.

massimiliano-allegri-cropped_19w3hbk2gtdja1be8powtsfecv

Allegri ayaana la filayaa inuu kooxdiisa u saxiixo heshiis ku eg ilaa 2020 taas oo niyad jab ku ah kooxihii doonayay ee Barcelona iyo Arsenal.

Qandaraaska tababaraha reer talyaani ayaa ku eg ilaa 2018, kooxda ayaana doonaysa inay ka saxiixdo 2-sano oo dheeraad ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close