Shax shan geesood ah oo laga sameeyey xiddigaha waa wayn ee kubadda cagta oo ay maanta ku beegan tahay dhalashadooda

 C7Xym_9WkAA21cs

(World) 21 Maarso 2017 – Xiddigo waa wayn oo kubadda cagta aad looga garanayo ayey maanta ku beegan tahay shalashadooda oo taariikh 21-ka Maarso dunida ku soo biiray inkastoo ay ku kala gadisan yihiin sanadkan ay dhasheen ayaa laga sameeyey shax shan geesood ah.

Rugcadaagii Germany ee Lateher Matheo oo 21 Maarso sanadkii 1961-kii ku dhashay Erlangen ee West Germany isla markaana maanta 55-sano jirsaday, Tababaraha iminka ee kooxda Everton Ronald Koeman oo 21 Maarso sanadkii 1963-kii ku dhashay Zaandam ee Netherlands  iyo  daafaca Kooxda Barcelona ee Jordi Alba oo 21 Maarso sanadkii 1989-kii ku dhashay L’Hospitalet de Llobregat ee Spain ayaa ku wada jira difaaca kooxdan shan dhinaclaha ah.

Mucjisadii reer Brazil ee Ronaldinho ayaa ka mid ah xiddigaha dhalashadooda ay maanta ku beegan tahay waxaana shaxda geesoodka ah uu kaga jiraa khadka dhexe.

C7X8_G4XUAIhX80

Ronaldinho oo xirfaddiisa ciyaareed dhaliyey 313 gool  ayaa maanta 37-sano jirsaday waxaana uu 21 Maarso sanadkii 1980-kii ku dhashay Porto Alegre, Rio Grande do Sul ee Brazil.

Dhanka weerarka kooxda shan geesoodka ah waxaa hoggaaminaya xiddiga diiradda u saaran kooxda Manchester United ee Antoine Griezmann oo iminka weerarka uga dheela kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska.

Antoine Griezmann ayaa maanta 26-sano jirsaday waxaana uu 21 Maarso sanadkii 1991-kii ku dhashay Mâcon, France.

Michu oo 31-sano jirsaday maanta isla markaana dhashay 21 Maarso sanadkii 1986-kii Oviedo ee dalka Spain ayaa keydka u fadhiya kooxdan.

SHAXDA SHAN GEESOODKA AH:-

C7b1IxvXwAIY_Qg

XIDDIGAHA KUBADDA CAGTA EE MAANTA AY DHASHADOODA KU BEEGAN TAHAY IYO XIDDIG WALIBA DA’DA UU JIRO HOOSE KA EEG:-

Antoine Griezmann (26)

Jordi Alba (28)

Michu (31)

Ronaldinho (37)

Ronald Koeman (54)

Lothar Matthäus (56)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close