Milan Channel oo sheegay xilliga la bixin doono dibaajiga 3-aad ee iibka Milan

(Milano) 21 Maarso 2017 – Milan TV oo ah hilinka rasmiga ah ee ku hadla afka AC Milan ayaa daboolka ka qaaday in €100m oo ah dabaajigii 3-aad ee laga sugayay Sino-Europe Sports ay khasnadda Fininvest kusoo dhacayso todobaadkan.

Dalladan Chinese-ka ah ayaa wadda qorshe ay kooxdan camaaliqada ah kaga iibsanayso Silvio Berlusconi iyo Fininvest, balse waxaa heshiiskan hareeyay dib u dhacyo fara badan.

Kaddib markii la gudbey ballantii ugu dambaysay ee 3-dii Maarso, waxay SES iyo Fininvest ku heshiiyeen in la bixiyo dibaaji 3-aad oo €100m ah, balse lacagtaasi ma imanin todobaadkii tegey oo la sugayay, taasoo su’aal gelisey iibka oo idil oo la sheegay inuu burburi karo.

Yeelkeede, Milan TV ayaa maanta sheegay in ay lacagtu iman doonto dabayaaqada todobaadkan taasoo ah Khamiista ama Jimcaha, taasoo ka dhigan inuusan heshiisku halis ku jirin, markii lacagtaas la bixiyo ayaana lagu wadaa in hesiis cusub la saxiixo kaasoo dhici doona xilli uun ka mid ah bisha soo aaddan ee Abriil.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close