Mesut Ozil oo seegaya kulanka saaxiibtinnimo ee xulkiisa Germany la ciyaarayo England… (Waa kuwee xiddigaha kale ee maqan?)

mesut-ozil-germany_12agpr797u0jo14s13xykdbsbn

(Dortmund) 21 Maarso 2017 – Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa xaqiijiyey in Mesut Ozil uusan ciyaari doonin kulanka saaxiibtinnimo ee ay la leeyihiin xulka England, kaasoo Arbacda ka dhacaya magaalada Dortmund.

Xiddiga kooxda Arsenal ayaa la dhibtoonaya dhaawac muruqa ah, kaasoo seejiyey kulankii ay kooxdiisa Gunners guuldarrada 3-1 kala kulantay Sabtidii naadiga West Bromwich Albion ee ka dhacay garoonka Hawthorns.

Low ayaa sharkiisa jaraa’id maanta ku xaqiijiyey in Ozil uusan taam buuxa ahayn si uu u ciyaaro kulanka ay ka horjeedaan xulka saddexda libaax, halka Julian Draxler iyo Mario Gomez sidoo kale dhaawacyo muruqa iyo gumaarka ay seegi doonaan kulankan.

Xulka xafidanaya koobka Adduunka ayaa ciidooda ku soo dhowaynaya habeenka Arbacada ah xulka England, ka hor inta aysan u safrin Azerbaijan oo ay la ciyaari doonaan kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka Axadda soo aaddan.

Kaddib marka ay wiilasha tababare Gareth Southgate  la ciyaaraan Germany waxa ay iyaguna garoonka Wembley ku soo dhowayn doonaan Lithuania, si ay u sii wataan dalabkooda inay ciyaaraan Koobka Adduunka ee 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close