Mesut Ozil oo isaga tagaya Arsenal kaddib markii ay isku dheceen Arsene Wenger

wee

(London) 21 Mar 2017. Mesut Ozil ayaa xagaagan gali doona sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiska uu kula joogo Gunners waxayna u badan tahay inuusan qandaraaska kordhin doonin.

Ozil ayaa seegay kulankii dhawaa ay Gunners guul darrada3-1 ka kulantay kooxda West Brom sababo dhaawac oo dhanka muruqa ah.

28-jirka ayaa sidoo kale ka maqnaa guul daradii 3-1 ay kala kulmeen kooxda Liverpool, inkastuu ka soo muuqday kursiga keydka lugtii labaad ee wareega 16-ka Champions League ay guul darada 5-1 kala kulmeen Bayern Munich.

Mesut Ozil Arsenal

The Sun ayaa qoreysa in Arsene Wenger uu u careysan yahay Ozil kaddib markii uu ku biiray xulka Germany.

Germany ayaa habeen dambe kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonta xulka England ka hor inta aysan axada la ciyaarin Azerbaijan isreeb reebka koobka adduunka.

Wenger ayaa la warinayaa inuu aad uga careysan yahay Ozil, iyadoo aan la hubin mustaqbalka tababaraha iyo laacibkuba.

Macallinka reer France ayaa qaatay go’aan ku aadan mustaqbalkiisa Emirates goor dhow ayuuna daaha ka rogi doonaa inuu sii joogi doono iyo inkale.

Haddii uu Wenger go’aansado inuu la sii joogo Arsenal wuxuu eegan karaa inuu kooxda ka diro Mestu Ozil iyo Alexis Sanchez si uu dib ugu dhiso Gunners sida ay qortay The Times.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close