Goolhaye Petr Cech oo Rikoodh cusub dhigay kaddib markii uu ku guuleystay laacibka sanadka ee dalka Czech

(Europe) 21 Mar 2017. Goolhayaha kooxda Arsanal Petr Cech ayaa ku guuleystay laacibka sanadka ee dalkiisa Czech markii sagaalaad taa oo noqotay Rikoodh cusub.

Gool ilaaliyaha Gunners oo isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib koobkii Euro ee xagaagii la soo dhaafay ayaa abaal marintan ku garaacay Vladimir Darida ee u ciyaara Hertha Berlin iyo Borek Dockal oo ka ciyaaraha Shiinaha kaa oo saddexaad galay.

Codka abaal marinta laacibka ugu fiican ee dalka Czech waxaa go’aamiya ciyaartoyda, tababarayaasha, iyo saxafiyiinta.

34-jirka ayaa farxada ku aadan abaal marinta uu ku guuleystay ku soo bandhigay boggiisa Tiwtter isagoona ku soo qoray: “Waad ku mahadsantihiin abaal marintan caawa, laacibka sanadka ee Czech,”.

Goolhaye Cech ayaa dhaawac uga baxay Arsenal kulankii dhawaa ay guul darada kala kulmeen kooxda West Brom, waxayna ku qaadan kartaa usbuucyo inuu dib ugu soo laabto garoomada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close