CEEBEEY TACAAL: Paul Pogba oo ay saddex bilood ku qaadatay inuu iska bixiyo lacago yar uu ku lahaa nin Xamaali ah!!

san

(Manchester) 21 Mar 2017. Ugu yaraan saddex bilood ayaa la warinayaa inay ku qaadatay laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ee Paul Pogba inuu iska bixiyo lacago 100 bound oo qura uu nin Xamaali ah ku lahaa.

Sheekada waxaa xiiso u sii yeelaya inay Pogba ku qaadato oo kaliya 3-daqiiqo iyo 47-ilbiriqsi inuu helo 100 bound.

Kondi Moyo iyo saaxiibkii ayaa la siin waayay lacagaha xamaaliga kaddib markii ay alaabo u qaadeen xiddiga reer France mar uu guri cusub guurayay bishii December.

Kondi Moyo was recruited to move boxes from storage to Pogba’s new mansion in December

“Waxaa la arkaa inuu yahay laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka laakiin sidii doqonka oo kale ayuu igu ciyaaray,” Kondi ayaa sidaa ku waramay.

“Waxay ahayd subax shaqo oo daacad ah, waana dhammeystiray anigoo fahansan in lacag nala siin doono marka aan shaqada dhammeyno.”.

Kondi waa 44-jir u shaqeynayay 10-sano shirkada Grey Panther ee ku taala Manchester.

It took the pair three hours to move all Pogba’s boxes

Waxaa lagu amray ama loo sheegay inuu saduuqyo ka bixiyo bakhaarka isla markaana geeyo guriga 2.9-milyan ee Pogba kaa oo ku yaala Altrincham.

Laakiin Kondi ayaa u aayay shaqadii uu u qabtay Pogba oo saddex bilood ayuu lacagtiisa xamaaliga daba bursanayay.

24-jir-ka ayaa mushaar ahaan uga qaata Man United usbuuciiba adduun dhan 290,000 oo bound.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close