Bastian Schweinsteiger oo usbuucan ka tagaya Man United kuna biiraya…

bbb

(England) 21 Mar 2017. Bastian Schweinsteiger ayaa ka tagaya Manchester United si uu ugu biiro kooxda Chicago Fire ee ka ciyaarta horyaalka MLS ee dalka Mareykanka.

Kooxda ka ciyaarta MLS ayaa warkan xaqiijisay isniintii iyadoo rugcadaaga reer Germany la filayo inuu la midoobo kooxda Veljko Paunovic usbuuca soo socda sida uu warinayo Chicago Tribune.

32-jirka ayaa kooxdan ugu biiray heshiis hal sano ah oo usbuuciiba ku kacaya 70,000 oo bound kaa oo leh dookh uu sanad kale ku saxiixi karo.

Bastian Schweinsteiger has signed for MLS side Chicago Fire on a one-year deal

“Waayaheyga ciyaareeda waxaan daba ceyrsanayay fursadaha halkaa aan rajeynayo inaan ka sameeyo saameyn fiican aana caawiyo sameynta wax wayn,” Schweinsteiger ayaa sidaa yiri.

“U dhaqaaqisteeda Chicago Fire ma ahan mid ka duwan, wada hadaladeyda aan la yeeshay agaasimaha guud ee Nelson Rodriguez iyo Pauno waxaan ku qanacsanahay aragtida kooxda iyo falsafadeeda waxaana doonayaa inaan ku caawiyo mashruucan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close