Tababare Allegri oo ka hadlay dhaawaca Paulo Dybala

(Torino) 20 Maarso 2017 Kooxda Juventus ayaa wadnaha farta ku haysa kadib markii uu xalay dhaawac ku baxay weerar yahankooda Paulo Dybala.

23 jirkaan ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 28 kadib markii uu awoodi waayay inuu dhamaysto ciyaarta, Juventus ayaana 1-0 uga adkaatay kooxda Sampdoria.

Tababare Allegri ayaa hoos u dhigay qatarta dhaawaca Paulo Dybala, wuxuuna sheegay in laacibku uu ka sheeganayo kaliya dhaawac fudud.

“Maalmo yar ka hor, Dybala wuxuu ka sheegtay xoogaa dhibaato dhanka muruqa ah, haatana markale ayuu ka sheegtay dhaawac yar, laakiin taasi walwal nama galinayso” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Ma jiro dhaawac dhib leh oo haysta Paulo Dybala, mana jiraan wax laga walwalayo, waan arki doonaa xaalkiisa maalmaha soo socda, waxaan eegi doonaa soo kabashadiisa”.

“Wax walba waa ay soo kala cadaan doonaan, laakiin dhaawiciisu halis ma ahan, taas ayaanan xaqiijinayaa marwalba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close