RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii ay Manchester United guusha ka gaartay kooxda Middlesbrough ee Premier League

Manu

(Manchester) 20 Maarso 2016 –  Kooxda Man United ayaa guul 3-1 ka gaartay naadiga Middlesbrough kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Saddexda gool ee ay Man United guusha ku qaadatay kulankan waxaa kala dhaliyey Fellaini, Lingard iyo Valencia, halka goolka qura ee kulankan ay Middlesbrough ka heshay Gestede.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Manchester United ayaa soo degtay kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo soo gabagabaysay 184 maalmood oo ay fadhisay kaalinta lixaad waana tan iyo 16 bishii September 2016 mudada ay booskaas 6-aad ku jirtay.

>- Marouane Fellaini ayaa soo gabagabeeyey 30 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Premier League isla markaana uu gool la’aan ahaa.

>- Sidoo kale goolkii uu Fellaini ka dhaliyey Middlesbrough ayaa ka dhigan inuu hadda goolal ka wada dhaliyey 20 kooxood oo kala duwan horyaalka Premier League.

>- Guusha ay gaartay Red Devils ayaa ka dhigan inay gaartay guusheedii 600-aad ee Premier League waana kooxda ugu guulaha badan horyaalka Ingiriiska.

>- Kooxda ka arrimisa Old Trafford ayaa ciyaartay Premier League 951-kulan, waxay adkaatay 600 oo kulan, waxaa laga adkaaday 147-kulan, bar-baro 204-kulan.

>- Goolkii Rudy Gestede ayaa ahaa kiisii ugu horreeyey ee uu Premier League ugu dhaliyo kooxdiisa Middlesbrough kaddib muddo 509 daqiiqo ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close