Maxay ka dhignaayeen goolashii ay Luis Suarez iyo Andre Gomes xalay u dhaliyeen kooxda Barcelona?

(Barcelona) 20 Maarso 2017 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo ay soo dhowaysay Valencia, waxa ay kaga adkaatay 4-2.

Haddaba Luis Suarez iyo Andre Gomes ayaa dhaliyey labo ka mid ah afarta gool oo ay Barcelona ku badisay kulankan.

C7TspMtXUAE3bPJ

Luis Suarez ayaa dhaliyey goolka barbaraha kooxdiisa qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana goolkaasi uu ahaa goolkiisii siddeedaad oo uu Suárez ka dhaliyo kooxda Valencia tartammada oo dhan 7 kulan oo uu ka hortagay.

Dhinaca kale da’yarka Andre Gomes ayaa guusha u xaqiijiyey kulankan kooxdiisa Barcelona, waxaana uu dhaliyey goolkii afaraad ee ay ciyaarta ku soo gabagabeeyeen wiilasha tababare Luis Enrique.

C7T-hB1XwAAPpiD

Haddaba André Gomes ayaa sidaasi ku noqday Portuguese-kii ugu horreeyey ee gool u dhaliya horyaalka La Liga kooxda Barcelona tan iyo Deco oo gool ka dhaliyey kulan horyaalka ah Atletico sanadkii 2007, isagoo markaa ka tirsanaa Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close