Serie A: Juventus oo garaacday Sampdoria iyo Napoli oo ka adkaatay Empoli (SAWIRRO)

(Torino) 19 Maarso 2017 Kooxda hogaanka u haysa horyaalka talyaaniga ee Juventus ayaa guul ka gaartay kooxda Sampdoria oo ay marti u noqdeen.

Wiilasha tababare Allegri ayaa sii dheereystay farqiga dhibcaha ee ay ka sareeyaan kooxda ku soo xigta ee Napoli oo haatan ah 10-dhibic, inkasta oo Roma ay ka dhigi karto farqigaas 8-dhibic hadii ay ka adkaato kooxda Sassuolo.

Daqiiqadii 7-aad ee bilowgii ciyaarta, Juan Cuadrado ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus isaga oo ka dhigay ciyaarta 1-0.

Sampdoria ayaa isku dayday inay soo barbareyso ciyaarta laakiin uma suurogalin, sidoo kale Juventus ayaa dhawr jeer ku dhawaatay inay dhaliso gool kale, balse ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0.

Dhanka kale kooxda tababare Sarri ee Napoli ayaa guul dirqi ah ka gaartay Empoli oo ay marti u noqdeen galabta, waxayna uga adkaadeen 3-2.

Napoli ayaa goolashaas uga mahadcelinaysa Lorenzo Insigne oo dhaliyay 2-gool oo midi tahay gool ku laad iyo Dries Mertens oo dhaliyay goolka kale ee Napoli, waxaana xusid mudan in xiddigaan reer Belgium uu gool kulaad ka khasaariyay kooxdiisa Napoli.

Juventus ayaa haatan hogaanka ku haysa 73 dhibic, Napoli oo ku jirta booska 2-aad ayaa leh 63 dhibic, Roma oo caawa ciyaaraysa ayaa leh 62 dhibic.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close