Marouane Fellaini oo ka baxay abaartii gool la’aanta ee Premier League

fel

(England) 19 Mar 2017. Timo wayne Marouane Fellaini ayaa ugu dambeyn ka baxay abaartii ka heysatay gool dhalinta Premier League kaddib markii uu shabaqa tagay kulanka ay iminka Man United la yeelaneyso kooxda Middlesbrough.

Fellaini ayaa madaxa ku dhaliyay karoos uu soo qaaday Ashley Young daqiiqadii 30-aad ciyaarta iminka ka dhaceysa gegada  Riverside Stadium.

Waa goolkii ugu horreeyay uu dhaliyo 30-kulan uu ciyaaray Premier League kaddib.

Waxaase arrinka xiiso u yeelaya inuu daqiiqadii 30-aad dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay 30-kulan kaddib Premier League.

Goolka Fellaini uu iminka ka dhaliyay Middlesbrough ayaa sidoo kale ka dhigan inuu iminka goolal ka dhaliyay 20-koox oo kala duwan Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close